Xubnihii maamulkii hore ee G/Banaadir ayaa la saaray xayiraad aysan dalka uga bixi karin, oo laga mamnuucay inay safraan.
Arrintan ayaa soo baxday kadib markii guddoomiye ku xigeenkii Arimaha Bulshadda ee Gobalka Banaadir loo diiday inuu u dhaafo magaaladda Nairobi oo uu arimo caafimaad u tagi lahaa sidda ay sheegayaan, sida ay ku waramayaan ilo ku dhowdhow madaxdii hore.
Mudane Ereg ayaa loo sheegay in isaga, gudoomiye Taabit Cabdi , Xoghayihii gobalka Subeyda Muqtaar iyo gudoomiyaal degmo la amray in aaney ka bixi karin Muqdisho, taasoo laga inay hordhac u tahay dacwad lagu soo oogayo.
Waxaa socda dadaallo lagu doonayo in xaaladda lagu qaboojiyo, waxayna arrintan soo shaac baxday iyadoo aanay maamulkii hore weli xilka wareejin, taasoo la qorsheeyay inay dhacdo Talaadada.