Shirar la isku habeensaday ayaa caawa ka socda xarunta Madaxtooyada magaalada Garowe, iyadoo dib u dhac weyn soo wajahay heshiis la isla ogolaaday oo ku saabsan qaabka doorashada 2016.
Dib u dhaca saxiixa heshiiska ayaa waxaa sababtay qodobo ka mid ahaa qoraal uu Madaxweyne Xasan Sheekh soo saaray maanta isagoo soo dhoweeyay in Puntland aqbashay nidaamka awood qeybsiga 4.5.
Qodobada qaar ayaa u baahnaa in talo guud laga yeesho ama ku adkaa inuu aqbalo madaxweynaha, taasina waxay keentay in Puntland ay su;aal ka keento iyadoo damaanadqaad dalbatay, waxaana wadahadallo hor leh oo galabta ilaa caawa socday wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in qoddobo ka mida heshiiska dib loogu noqdo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in arrimo masiiri ah aysan ka heshiin karin dowladda Federaalka iyo Puntland, waxaana wararku sheegayaan in culeyska ugu weyn hadda saaran yahay maamulka Puntland oo arrintan doonaysa inay uga faa’iideysto guulo siyaasadeed iyo awoodo sharci darro ah in loo sharciyeeyo.
Shirarkii socday ayaa goor dhoweyd soo idlaaday iyadoo la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh khadka uga qeyb galay, waxaana la filayaa in isla caawa lagu dhawaaqo lana saxiixo heshiiska.
Goobjooge.com