Shirar is daba joog ah ayaa ka socda xafiisyada madaxtooyada, Ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu dhiso xukumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo noqon doona tii saddexaad ee ka hoos shaqeysa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed.
Xildhibaano, xubno dibadda ka yimid iyo shaqsiyaad siyaasiyiin ah ayaa buux dhaafiyay saddexda xafiis ee ugu sareeya dowladda iyagoo xusul duub ugu jira in xilal looga magacaabo xukuumadda cusub, waxaana xukuumadani u muuqataa in dhismaheeda ka dhib badnaan doono kuwii ka horeeyay.
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa doonaya inuu dad kala duwan kusoo daro xukuumadiisa, waxaase culeys weyni ka heystaa madaxweynaha iyo taageerayaashiisa oo a liis gole wasiiro oo diyaarsan gacanta ka saaray Ra’iisal wasaaraha (Akhri Liiska Golaha wasiirada ee madaxweynaha magacaabay), kaasoo gebi ahaanba looga tegay xubnihii taageersanaa ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed.
Saddexda xafiis ee Madaxtooyada, kan Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay ka siman yihiin inay jaha wareeriyaan xubnaha faraha badan ee jago doonka ah, maalin kastana tuban xafiisyadooda. waxayna xafiisyadan howsha u wadaan sida soo socda
XAFIISKA MADAXWEYNAHA
Xafiiskan ayaa culeyska ugu weyni heystaa, waxaana ugu wacan iyadoo intii lagu jiray ololaha mooshinkii lagu riday xukuumadii hore ay madaxweynaha iyo kooxdiisa sameeyeen balanqaadyo badan oo ah in jagooyin wasiir iyo qaar kale la siinayo xildhibaano faro badan oo qaarkood isku jufo yihiin.
Xafiiska madaxweynaha wuxuu ciyaarayaa inuu qof waliba oo xildhibaan ah ku rajo geliyo inuu ka mid noqon doono xukuumada, gaar ahaan kuwii balanqaadyada hore loo siiyay, halka xildhibaanada kale lagu xirayo inay keenaan xildhibaannada beesha oo mideysan.
XAFIISKA RA’IISAL WASAARAHA
Ma shaqo yara xafiiskani, waxaana celcelis ahaan maalin waliba lagu qaabilaa ilaa 90 ilaa 100 xildhibaan, Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid talada uguma jirto inuu cidna ka careysiiyo, haddana ma bixiyo balanqaad, waxaa ugu daran xildhibaanada oo codka kalsoonida laga rabo, kuwaasina wuxuu hadba u diraa beel kasta inay ula timaado qof ay isku raacsan tahay.
Qaabilaadda waxaa laga yaabaa inay socoto 3:00 habeennimo (aadaanka hore ee salaada subax), haddana ma jirto qof huba inuu liiska ku soo bixi doono, waxaana qolalka yaryar ee sugitaanka qaabilaadda isugu yimaada mararka qaarkood siyaasiyiin cadaawad ka dhaxeyso iyo kuwo is jiir neceb oo is diidan, haddana waa la isku qasban yahay oo waxaa laga mideysan yahay jago-raadin.
Ra’iisal wasaaraha uma muuqdo nin gacantiisa ay ku jirto go’aanka magacaabidda, haddana wuxuu ilaa xad iska caabinayaa cadaadiska uga imaanaya madaxweynaha. Wuxuu ogyahay in dagaal siyaasadeed lagu riiqday hortiis ka dhacay Muqdisho, wuxuu la socdaa in beesha caalamka aanay rabitaan u heynin Madaxweynaha iyo kooxdiisa, isaguna rajadiisu ku xiran tahay sidii uu isaga fogeeyo khilaaf kale oo ku yimaada xukuumada iyo madaxtooyada saameyntiisuna gaarto Baarlamaankam laakiin awoodiisu ma gaarsiisna inuu si madax bannaan howsha loo xil saaray u maamulo.
XAFIISKA GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA
Xafiiskani uma dhibaato badna sida labada xafiis ee ka horeysay, laakiin wuxuu qeyb uga jiraa dadaalka dhismaha xukuumada loogu jiro, gaar ahaan beesha uu guddoomiye Jawaari kasoo jeedo oo xubnaha doonaya inay golaha wasiirada ka mid noqdaan ay qasab tahay inay xafiiskan yimaadaan si ay u helaan barakada Maxamed Sheekh Cusmaan.
CAQABADAHA HEYSTA CCC
Tan iyo markii kalsoonida la siiyay Cumar C/rashiid oo ra’iisal wasaare rasmi ah isu bedelay waxaa looga fadhiyaa xukuumad midnimo qaran oo Baarlamaanka kalsooni ka heli karta, meeshana ka saari karta kala qeybsanaantii weyneyd ee soo dhex gashay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xaqiijinta arrintan waxaa caqabad ku ah rabitaanka madaxweynaha oo ah inuu dib u soo celiyo dowlad inta badan wasiiradeeda ka talo iyo amar qaataan madaxtooyada, taasina waxay ku dhici karta oo qura inuu Cumar C/rashiid u hogaansamo rabitaanka madaxweynaha; tallaabadaas oo keeni karta inuu ku waayo xildhibaanno aan yareyn oo caqabad ku noqon kara ansixinta golaha wasiiradiisa.
Haddii Cumar C/rashiid ku guuleysto inuu dhiso xukuumad awood qeybsi ah oo qeyb fiican ku leeyihiin xildhibaanada ka horjeeda siyaasadda madaxweynaha iyo kooxdiisa, ayna saameyso talada ay mugdiga ku siiyaan saaxiibadiis madaxweynaha ku kacsan Prof. Maxamed Cabdi Gaandi iyo Prof. Cusman Jurrile waxaa laga yaabaa in xukuumadda la dhiso ay noqota mid iftiinka u soo baxda. Haddiise culeyska madaxweynaha iyo kooxdiisa ka tan bataan oo filimkii hore loo daawaday la soo shir tago wuxuu Ra’iisal wasaare Cuma C/rashiid u eg tahay WEBI BACAAD KU DHAMMAAN DOONA, xaaladuna ku idlaan doonto JUG JUG EE MEESHAADA JOOG iyo wareeg kale oo khilaafaadkii laga daalay dib loogu noqdo.
Warbixinnada Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]