Qoraal uu ku saxiixan yahay ergeyga Q/Midoobay ee Soomaliya Micheal Keating ayaa looga digay inay Doorashada Soomaaliya ka dib dhacdo 2016.
Qoraalka oo si toos ah ugu socday madaxda Madasha Qaran, waxaa lagu sheegay in dib kale oo keenay inay Doorashada gaarto sanadka 2017 ay Soomaaliya ka dhaxli doonto:
- Waxay keeni doontaa sumcad iyo magac xumo Soomaaliya soo jiidato iyo nidaamka doorashada.
- In beesha caalamka taageeri weydo dibu dhiska dalka, nabadda iyo wax ka qabashada caqabadaha hortaagan Soomaaliya.
Beesha Caalamka iyo qoraalka Ergeyga Q/Midoobay waxay amar ku bixiyeen:
- In la gudaha galo shahaado siinta iyo qabashada shirarka Baarlamaanka cusub
- In xal loo helo arrinta xildhibaanada Aqalka sare ee Somaliland
- In arrinta khilaafka Aqalka sare ee Somaliland aysan caqabad ku noqon howlaha ka harsan doorashada oo la doorto madaxda Qaranka December gudaheeda.
- Iyo shir degdeg ay isugu yimaaaam 7-da Disembar 2016 madaxda Madasha oo howlaha ka harsan doorashooyinka xaliyaan.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA