Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa mar kale ku celiyay inuusan ka tanaasulin musharaxnimadiida xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa ayuu C/rashiid Xiddig ayuu ku caddeeyay inay been yihiin wararka laga faafiyay oo ku saabsan inuu isaga haray tartanka xilka Guddoonka Baarlamaanka Federaalka, wuxuuna sheegay inuusan marna gorgortan ka galeynin musharaxnimadiisa.
HOOS KA AKHRI FARRIINTA XIDDIG
Asc dhamaan asxaabta meel kastoo aad joogtaan iyo xili kastoo aad ku jirtaan maadaama aad daafaha caalamka kala joogtaan, salaan kadib waxaan idinla socodsiinayaa in hadi rabi idmo ay soo dhawdahay xiligii loo asteeyay doorashada somaliya siiba mida Gudoomiyaha Golaha Barlamanka federalka oo ah jagada aan musharaxa u ahay sidaas darteed waxan idinka digayaa inaad akhrisataan maqaalo iyo hadalo ay faafiyaan kuwa intaas tabar Ka dhigtay oo weliba laga yaabo inay magacayga isticmalan, hadaad aragtaan maqaalo Ka hadlaya tanaasul iyo wixii lamid ah waa been aan sal iyo raad lahayn waana sida ay jecel yihiin been hawaasyadu, waxaan idin xaqiijinayaa inaan ahay musharax u taagan xilka Gudoomiyaha Golaha Barlamanka federalka 2016 to 2020 .
Waxaan idinka codsanayaa taageeradiina iyo ducadiina.
Sababta aan Mar kasta idinku soo celcelinaayo ayaa ah, iyagoo Mar kasta ay isoo gaadhaan su,alo ay asxaabta qabto kadib markay helaan farimo iyo qoraalo been abuur ah. Hadal iyo dhamaan marna mowqifkayga musharaxnimo isma bedelayo gorgortana cidna kulama jiro lamana galayo. Mustaqbal bulsho gorgortan ma galo.
Alaa weyn ninkii Aaminaa Awood leh.
Hon Abdirashid Hidig Mogadishu.
Goobjooge.com