Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ay kooxda Alshabaab xalay ku qaadeen degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe.
Maleeshiyo ka tirsan Xarakadda Al-shabaab dagaal kedis ahaa kula wareegay xarunt degmada Mahaddaay, waxaana halkaasi isaga baxay ciidamada Dowladda.
Dagaal ayaa geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo laba askari oo ka tirsan Ciidamada lagu dilay. Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Magaalada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ay la wareegeen Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, kadibna ay dib uga baxeen Magaalada.
Maamulka Degmada Mahadaay ayaa beeniyay in Alshabaab ay qabsadeen degmada kadib markii ay dib ugu laabteen saaka, waxayna ku doodeen inay iska caabiyeen dagaalamayaasha Alshabab.
Goobjooge.com