Monday, July 14, 2025

Maxaa ka jira in ciidamada Puntland ay dib u qabsadeen Degmada Qandala..?

Taliyaha ciidamada Badda Puntland ayaa beeniyay inay dib u qabsadeen degmada Qandala oo hore loo shaaciyay.

Taliyaha C/isaaq Diiriye Faarax oo sheegay  ciidankoodu aanu wali gaarin degmada Qandala, oo ay u jiraan 50 KM, wuxuuna caddeeyay in marka hore ay sifeyn ka sameyn doonaan dhulka u dhow Qandala.

taliyaha-ciidanka-baddajaTaliyaha oo wareysi siiyay VOA ayaa sidoo kale beeniyay inay jiraan duqeymo maraakiin ku qaadeen degmada Qandala, wuxuuna sheegay inaysan jirin duqeyn noocaasi ah oo lala beegsaday Qandala.

Warar hore u soo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada Puntland ay dib u qabsadeen degmada Qandala, wuxuuna been abuur ku tilmaamay nin sheegtay ciidamada Badda ee Puntland oo saxaafadda u sheegay inay qabsadeen Qandala.

Kooxda Daacish taacsan ee ku sugan Gobalka Bari ayaa degmada Qandala gacanta ku dhigay, iyadoo Puntalnd ay ku qaadatay muddo ka badan Bil inay ciidamo  u dirto degaankaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON