Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Maamulka Hirshabelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa ka hadaly cod uu baahiyay madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble xilli ay telefoon ku hadlayaan.
Isagoo saxaafadda la hadlay ayuu sheegay in Codka sirta ah ee laga duubay, kaasoo lagu baahiyay Baraha Bulshada uu yahay mid been abuur ah oo la jarjaray, isaguna aanu lahayn codkaasi.
Sheekh Cismaan Barre wuxuu beeniyay inay wadahadal yeesheen Cali Cabdulaahi Cosoble iyo isaga kadib markii xilka laga qaaday, isagoo sheegay mid aan xaqiiqo aheyn.

“Waa wax laga Xumaado in laga been abuuro masuuliyiinta, dadka arrimahaas sameynayana ay yihiin kuwa wax ma garato ah” ayuu yiri Afhayeenka Baarlamaanka Hirshabelle.
Codka la baahiyay ayaa si cad u muujinaya wadahadal muddo dheer dhex maraya Cali C/llaahi Cosoble iyo Sheekh Cismaan Barre.