Waxaa soo baxay warar sheegaya in dowladda Qatar ay qoraneyso dagaalyahanno kasoo jeeda Soomaaliya iyo Kenya oo weerarro argagixiso ka fuliya Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Asalka warkan ayaa waxaa qoray wargeyska boqorooyada Sacuudiga taabcsan ee Cukad, kaasoo isku xiray Sheekha ay dowladda Qatar megangalyada siisay ee kasoo goostay Alshabaab Sheekh Maxamed Siciid Atam oo dhowaan lagu daray liiska argagixisada dalalka Khaliijka ee ka horjeeda dalka Qatar.
Sheekh Atam ayaa la sheegay in dowladda Qatar u xilsaartay arrintan oo ah inuu qoro iskuna duba rido dagaalyahanno Soomaali ah iyo Kenyan ah. Wargeyska ayaa sheegay inuu helay qorshaha dowladda Qatar u sameysay Fulinta weeraradaasi oo loo qoondeeyay lacag dhan 75 million ee Riyaalka Qatar, waxaana xiriiriye ka ah arrinta nin Sacuudiyaan ah oo lagu magacaabo Sacad al-faqih.
Waxaa warka wargeyska CUKAAD ka mida in Maxamed Saciid Atom oo horey uga tirsanaa Alshabaab oo hadda ku nool dalka Qatar uu qortay  dhallinyaro Somali iyo Kenyan si ay weeraro uga geystaan dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Warbixinta wargeyska Sacuudiga ayaa u muuqata mid la abuuray oo qeyb ka ah ololaha dagaalka Warbaahinta ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ku qaadayaan dalka Qatar, iyadoo qaabka loo qoray qorshaha uu yahay mid xaqiiqada ka fog oo aan macquul ahayn inay sidaasi wax u dhaci karaan.