Sunday, July 13, 2025

Maxaa ka jira in Heshiis laga gaaray xiisadii Muuse Suudi & Madaxda dowladda Somalia.?

Waxaa muddooyinkii danbe si weyn loo faafiyey xiisad ka dhalatay wareegto ay Dowladda hoose ee Muqdisho kula wareegtay Dhul Dan guud ah oo ku yaalla agagarka taliska ciidamada Badda iyo xaafadda Mariinada oo qeyb ka mida uu degan yahay senator Muuse Suudi Yalaxow.

Wararka laga faafiyay xiisadda ayaa inteeda badan waxaa waday qurbe joog xaalada u bedeshay xaalad dagaal iyo qabiil, lakiin ma jirin wax dagaal ah oo dhacay iyadoo ay xaaladaasi ku dhex jireen waxgarad iyo odayaal.

Dhulka Dowladdu sheegtay inay la wareegtay ayaa ha dhul ballaaran oo dowladii hore ay siisay saraakiil iyo siyaasiyiin ka badan 10 xildhibaan iyo 7 Jeneraal, waana dhul ku teedsan xeebta Liido, iyadoo aanu ku koobneyn xerada Mariinada ee Muuse Suudi degan yahay.

Waxaa la faafiyay warar sheegaya in xaliyey xiisadii u dhaxeysay Muuse Suudi iyo maamulka G/Banaadir, sida laga soo xigtay Danjire C/raxman Diinaari oo sheegay inay arkeen imaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo arrintaasi kala hadlay madaxweynaha, isla markaana sheegay in 90% la xaliyey xiisadaaasi.

Dhulka muranku ka taagan yahay ee oo dib loogu celiyay gacanta dowladda, oo eyb ka mida uu degan yahay Muuse Suudi ayaa weli la xalin, iyadoo Muuse ku doodaya in dhulka uu degan yahay ay siisay dowladii hore ee Xasan Sheekh.

Farriin ay Muuse Suudi kasoo xigatay Aamina Muuse Wehliye oo ah weriye degan dalka Ingiriiska ayey ku sheegtay inuu Muuse Suudi u soo dhiibay farriin uu ku yiri: “Aniga qof aan waan-waan iyo wada hadal la galay ma jirto, mana jiri doonto. Waxan rabaa waa sareeynta sharciga oo kaliya, Waana In sharciga loo hogansamaa..”

Waxaa la xaqiijiyey inuusan jirin xiriir toos ah oo dhex maray Muuse Suudi iyo Maamulka G/Banaadir ama madaxda dowladda Federaalka oo kaliya ay socotey waanwaan la isaga dab qaadayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON