Waxaa dhowaan soo baxay dhowaan warar sheegaya in isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo haatan jirta muddo lix bilood oo qura, waana xukuumadii ugu balaarneyd iyo tii saddexaad ee la dhiso intii uu xilka hayay madaxeyne Xasan Sheekh Maxamuud lagana baxay kumeelgaarka.
Haddaba xooraansi ay Goobjooge.com sameysay ayaa lagu xaqiijiyay inuusan jirin qorshe isku shaandheyn ah oo xukuumadda ku saabsan oo kaliya ay arrintani tahay warar saxaafada lasoo geliyay. Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa la sheegay inuu damcay bedelid laba wasiir oo kamida xukuumadiisa bishii April, balse uu dib ula noqday, isla markaana madaxtooyada aysan soo dhoweyn tallaabadaasi.
Isku shaandheynta ayaa mar waliba ka imaan jirtay madaxweyne Xasan Sheekh oo iminka culeyso aad u waaweyn ay heystaan, isla markaana Xukuumadda Cumar C/rashiid u arka mid fulineysa rabitaankiisa, waxaana howsha ugu weyn ee hortaalla uu ka dhigay sidii maamul loogu sameyn lahaa goboladda dhexe oo ku sii adkaaneysa, inkastoo ay jiraan dhowr wasiiro oo ugu danbeyn xilalka laga qaadi doono.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]