Xildhibaan Xuseen Iidow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay warar laga faafiyay oo ku saabsan inuu yahay qofka damiinka u raadinaya dadkii geystay dilkii Axmed Mukhtaar (Axmed Dowlo) oo dil fool xun loogu geystay magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka Xuseen Iidow ayaa sheegay inay arrintaasi tahay dacaayad raqiis ah, wuxuuna yiri: “Tacdiga iyo dhibaatada loo geystay walaalkeen Axmed Dowlo aad ayaan uga xumahay, waxaana qabaa in sharciga degdeg lagu horkeeno ruuxi geystay tacdiga nuucaas ah..”
Wuxuu intaas ku daray inuu sameyn doonoo sharci looga hortegayo arimaha heyb sooca si tacdiyada nuucaan ah looga hortago, waxayna arrintan ka dambeysay hadal kasoo yeeray Guddoomiyaha G/Banaadir C/raxmaan Yariisow oo sheegay in dad xildhibaano ah ay doonayaan in damiin lagu sii daayo qaar ka mida dadkii falkaasi geystay, taasoo keentay in isla markiiba magaca xildhibaan Xuseen Iidow loo adeegsado baraha bulshada.