Waxaa maalmihii ugu danbeeyay soo baxay guux ku saabsan mooshin ka dhan ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Somalia C/weli Ibraahim Muudey.
Mudane Mudey ayaa oo ka si weyn u taageersanaa madaxda dowladda Somalia, waxayna u adeegsadeen dagaalkii siyaasadeed ee xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee Baarlmaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, isagoo fuliyey qorshihii lagu kala diray Guddiigii Maaliyadda iyo cadaadiskii la saaray guddoomiye Mursal Maxamed Sheekh.
Mooshinkan la sheegay in loo diyaarinayo si xilka looga qaado guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Somalia ayaa waxaa suuqa soo geliyey xildhibaanno taageersan madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo aad ugu dhow agaasime ku xigeenka sii hayaha NISA Fahad Yaasiin, waxaana la xaqiijiyey inuusan jirin wax mooshin ah. balse uu socdo qorshe lagu cabsi gelinayo Guddoomiye ku xigeenka si loo ogaado taageerayaasha uu heysto, kadibna go’aan looga qaato mooshinka.
C/weli Muudey ayaa si weyn uga hor yimid qorshaha doorashada 2020 ee kooxda Nabad & Nolol oo ah mid qarsoon oo aan weli lasoo bandhigin, wuxuuna si cad ugu sheegay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha inuusan soconeynin sharciga doorashada ee Golaha Wasiirada Ansixiyeen, loona gudbiyey Baarlamaanka, taasoo loo maleynayo inay sabab u tahay mooshinka suuqa la geliyey ee lagu gilgilayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad.
Ra’iisal wasaare Kheyre oo muddo kadib ay caado u noqotay inuu Baarlamaanka ka mashquuliyo la-xisaabtanka xukuumadda ayaa sidoo kale faa’iido weyn ugu jirtaa in mooshinkan la geeyo Baarlamaanka si ay muddo kale u qaadato in xukuumadda lagu soo jeesto.