Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya Meles Alem ayaa beeniyey inay ka mid ahayd dowladihii Afrika ee ka qeyb galay furitaankii Safaaradda Mareykanka ee magaalada Qudus oo caro weyn ku dhalisay dadka Falastiiniyiinta iyo Muslimka dunida.
Warbixino la faafiyey aya sheegay in Itoobiya ka mid ahayd dalal ka badan 50 dal oo ka qeybgalay xafladii safaaradda Mareykanka ee Israa’iil looga furay magaalada Qudus, laakiin Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay arrintaasi
Mowqifka Itoobiya ayaa lagu sheegay warka Wasaaradda Arrimaha dibadda inuu la mid yahay kan Midowga Afrika ee ah in khilaafka Falastiin iyo Israa’iil lagu xaliyo qaab nabadgelyo ah, lana dhisao laba dowladood.
Itoobiya ayaa sheegtay inay ka xun tahay dadkii Falastiiyiinta ahaa ee ciidamada Yuhuudda ku laayeen marinka Gaza toddobadkan.
Xafladda furitaanka safaaradda Mareykanka ee magaalada Qudus waxaa ka qeyb galay dalal Afrikaan ah oo badan sida: Kenya, Ruwanda, South Sudan, Tanzania iyo dalal kale.