Tuesday, July 1, 2025

Maxaa ka jira inuu Jeneraal Caanood la Goostay Ciidamada uu ku qabsaday Magaalada Marka..?

Abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka oo dhowaan xilka laga qaaday madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay in ciidamo badan oo uu hoggaaminayo uu la goostay sida lagu qoray warbaahinta qaarkeed iyo baraha bulshada.

Jeneraal C/llaahi Cali Caanood oo ciidaada uu hogaaminayo ay maanta la wareegeen magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya inuu la goostay ciidamada uu wato ee maanta qabsatay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/Hoose.

Jeneraal Caanood ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ee ay qaadeen uu ka horeeyay xilka qaadista lagu sameeyay, wuxuuna meesha ka saaray wararka sheegaya inuu jabhad noqday ama uu ciidan la baxsaday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON