Maxaa ka jira in isbaheysi siyaasadeed ka dhaxeeyo Musharax Jibriil Ibraahim & C/raxmaan Faroole..??

0

Iyadoo ay sii xoogeysaneyso ololaha doorashada 2016 ee logu jiro kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka iyo Villa Somalia  ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan isbaheysi siyaasadeed oo musharixiinta ka dhaxeeya.

Musharaxa dhalinyarada Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ilaa iminka muujiyay inuu yahay musharaxa ugu dhaqdhaqaaqa badan ayaa waxaa soo baxaya inuu isbaheysi hoose kula jiro musharaxa kale C/raxmaan Faroole.

jibril-ciiro-faraweyne1
Musharax Jibriil oo ay dhinacyada ka taagan yihiin reer Faroole, Garowe

Shakigan ayaa markii ugu horeysay soo baxay xafladii uu Musharax Jibriil uga dhawaaqay musharaxnimadiisa markaasoo garabkiisa lagu arkay nin uu adeer u yahay Faroole laguna magacaabo Ciiro Axmed.

Socdalka uu Musharax Jibriil ku tegay iyo soo dhoweyntii uu magaaladaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo isna ah nin uu adeer u yahay Faroole waxay sii kordhisay shakiga ku saabsan xiriirka isbaheysi ee qarsoon una dhaxeeya musharixiinta C/raxmaan Faroole iyo Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Isbaheysiyada siyaasadeed ee doorashada ayaa caadiyan soo if baxaya xilliyada ugu danbeeya, laakiin goobjooge ayaa ogaatay in musharixiin badan oo doonayay inay tagaan degaanada Puntland loo diiday.

Goobjooge.com