Thursday, June 26, 2025

Maxaa ka jira in Prof. Jawaari & C/rashiid Xiddig lacag siiyeen Xildhibaanada Baarlamanka ?

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo mar kale loo saadaalinayo inuu xilka ku soo laabtay ayaa su’aal laga keenay ololihiisa doorashada.

Jawaari ayaa wararku sheegayaan inuu diiday inuu haba yaraatee wax lacag ah ku bixiyo in dib loo doorto isagoo sheegay inuusan wax lacag ah heysan, haddii uu heysan lahaana aanu doorasho ku galeen.

Prof. Jawaari oo dadka ka horjeeda ay ku eedeeyaan inuu yahay nin aan go;aan cad loogu tegeynin isla markaana ku liita kala saaridda khilaafyada ayaa doorashada ku gelaya iyadoo aanay jirin wax kharash ah iyo olole doorasho oo uu galay marka laga reebo kulamo uu la qaatay xildhibaanada.

Musharaxa ugu weyn dadka la tartamaya C/rashiid Xiddig ayaa la xaqiijiyay inuu xildhibaanada qaarkood siiyay lacag dhan 2000 Doolar iyadoo ay inta badan xildhibaanada ka gaabsadeen kharashkaasi oo ah mid aad uga yar olole doorasho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON