Waxaa soo baxay warar la isla dhex marayo oo ku saabsan in sii-hayaha wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Ceynte loo magacaabayo safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya.
Xilkan waxaa hore u hayay Jamaal Xasan Maxamed oo hadda loo magacaabay xilka wasiirnimo e wasaaradda uu hayay C/raxmaan Ceynte, waxayna haddii ay dhacdo noqon doonta in xilalka loo kala wareejiyo.
Xog aanu ka helay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegeysa in magacaabidda xilkan aan lagu wargelin wasiir Ceynte, isla markaana ay jirto arrin caqabad ku noqon karta oo ah in Qunsulka safaaradda Kenya dhowaan loo magacaabay gacan-yarihii madaxweyne Xasan Sheekh ee dhinaca hab-maamuuska C/raxmaan Aadan CIsmaan (Kampala).

Magacaabidda Qunsulka safaaradda Nairobi ayaa dhacday xilligii ugu danbeeyay ee Xasan Sheekh, taasoo uu ogolaaday madaxweyne Farmaajo, waxayna caqabad ku noqon kartaa magaaabidda wasiir Ceynte marka la fiiriyo awood qeybsiga beelaha.
Safaaradda Soomaaliya ayaa ka mida meelaha ugu dhaqaalaha badan ee ugu muhiimsan safaaraddaha dibadda, waana tan keentay in beelaha Soomaalida ay si weyn ugu xisaabtamaan.
Wasiir Ceynte oo dhinaca kale ay aad isugu dhow yihiin xilligan kala guurka ah madaxweyne Farmaajo u qaabilsan xiriirka caalamiga ah ayaysan suuragal u noqon inuu soo galo golaha wasiirada maadaama ay isku beel kasoo wada jeedaan ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Goobjooge.com