Waxaa magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ka dhacay xaflad lagu saxiixay heshiis dhex maray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Puntland oo khilaafaad soo noqnoqday uu ka dhaxeeyay tan iyo dhismihii dowladii KMG ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed, marar badanna ay Puntland qaadatay tallaabooyin ay xiriirka ugu jareyso dowladda dhexe.
Heshiiska oo uu saxaafadda u akhriyay Wasiirka Hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda Federaalka Ducaale Aadan ayaa ka kooban 12-ka qodob, wuxuuna ka danbeeyay shirar u socday guddiyo ka kala socday labada oo afar maalmood shir ku lahaa Garowe, waxaan socdaal shaqo ku joogay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya C/weli Sheekh Maxamed.
Haddaba heshiiska marka aad u dhaba gasho wax badan kama duwa heshiisyadii hore loo galay oo u dhacayay qaab laba awoodood oo siman iyo laba dowladood oo heshiineysa oo kale, waxaa kaloo sii socota in xubno kamida hay;adaha caalamiga ah iyo dowlado shisheeye dhinacooda ka saxiixaan heshiisyadani.
Arrimahau ugu waaweyn ee khalad ahaan markiiba loo sheegi karo kuna jira heshiiskani waxaa kamida:

Labadan qodob midka hore waxaa khaladkiisa markii horeba lahaa dowladda Federaalka oo qorsheysay in Gobol barkii gobol laga dhigo, sidaasina ku guddoomisay in Mudug qeyb kamida iyo Galgaduud ay noqdaan maamul goboleed gaar u istaagi kara iyadoo Dastuurka dalka ee KMG ah dhigayo in laba gobol iyo wixii ka badan oo kaliya noqon karaan maamul goboleed. Sharciga lagu tuntay waxaa wada qaadaya saddexda mas’uul ee ugu sareysa dalka oo markhaati ka wada ahaa shirkii arrintaas looga dhawaaqay.
Qodobka ee quseeya Shahaadada Puntland, walow ay dhibaato badan ka taagneyd, haddana in wasiirkii tacliinta dowladda federaalka oo halkaas jooga aqbalay in shahaado dowladda Federaalka iyo wasaaradiisa aanay bixin loo sameeyo astaantii wasaaradiisa ayna aqoonsato dowladda federaalka iyadoo ay jireen qaabab kale oo arrintan looga wareegi karay, sida arrinta baasaboorka oo kale, iyadoo aan ardayda Puntland lagu xirin inay Muqdisho u doontaan shahaadooyinka.
Goobjooge Info