Monday, June 23, 2025

Maxaa ka khaldan wareegtada culus ee xeer ilaaaliyaha Qaranka (Faaqidaad xasaasi ah)

Xeer ilaaliyaha Qaranka Md. Axmed Cali Daahir ayaa soo saaray wareegto culus oo uu ku amray in xubnaha golaha wasiirada ee kalsoonida lagala noqday aysan dalka ka bixi karin inta ay ka wareejinayaan xilka. Waxaana wareegtada  oo sidoo kale ku saxiixan yahay Hanti dhowrka guud ee Qaranka Nuur Jimcaale Faarax ku cad in xitaa marka ay xilka wareejiyaan ay u baagan yihiin fasax ay ka helaan labada xafiis.

XEER ILAALIYAHA QARANKA AXMED CALI DAAHIR
XEER ILAALIYAHA QARANKA AXMED CALI DAAHIR

Inkastoo musuqa baahay ee mas’uuliyiinta dowladda aad loogu baahnaa cid wax ka qabata, isla markaana ay cad yihiin hanti qaran oo qaar la iibsaday, qaar la kireystay iyo qaar si dano gaar ah loogu shaqeysto ayaa haddana dad badani shaki ka qaadeen wareegtadan una arkaan inay tahay aargoosi, wasiiradii la saftay ra’iisal wasaaraha kalsoonida kala noqday Baarlamaanka.

Haddaba, iyadoo khilaafkii siyaasadeed ee ku dhamaaday go’aankii baarlamaanka kalsoonida kala noqday xukuumadda, ayaa la wada ogaa in khilaafkaasi uu salka ku hayay madaxweynaha oo shaqsiyan kasoo jeestay inuu la shaqeeyo Ra’iisal wasaaraha, sidaas darteed waxaa waaqic ahaan u jira in wasiirada iyo xildhibaannada kala qeybsameen oo kala taageereen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Ad

Xaaladda sidaasi ahna marka ay soo baxdo wareegtadan oo kale waxyaabaha ka khaldan waxaa ka mida:

[blockquote style=”4″]In xubnaha Golaha wasiirada ee safarrada dibadda laga joojiyay, lagu xiro fasax ay ka qaataan madaxweynaha.[/blockquote]

Arrintan waxay keeni kartaa in xubnihii Golaha Wasiirada ee tageersanaa madaxweynaha ay fasax sahal ay ka heli karaan madaxweynaha; halka xubnaha taageersanaa Ra’iisal wasaaraha xabsi magaalo geli doonaan.

- Advertisement -

Fasirka wareegtadan waxay noqon doontaa mid siyaasadeed oo dhinac u janjeerta, siina kordhin doonta kala qeybsanaanta hay’adaha dowladda; ogoobey Axmed Cali Daahir oo xeer ilaaliyaha guud ku magacaaban wuxuu xilka ku yimid inuu keensaday wasiir Faarax Sheekh C/qaadir, kadibna uu magacaabay madaxweynaha; wuxuuna  xilka kula wareegay si khasab ah markii ninkii xilka uga horeeyay uu diiday inuu xilka ku wareejiyo ayuu xafiiskii jabsaday si xoog ahna keligii isku wareejiyay xilka. Sidoo kale Maxkamadda ayaan aqoonsaneyn sharci ahaanshaha xeer ilaaliyahan cusub, wuxuuna guddoomiyaha Maxkamadda sare sheegay in jago xeer ilaaliye aanay kuba qorneyn Dastuurka KMG ah.

 

Xeer-ilaaliyaha

 

- Advertisement -

Goobjooge.com

London

[ad name=”HTML”]

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON