Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya ayaa sheegaya in jaha wareer ka jiro magaaladaasi kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Federaalka ay dib u qabsadeen, laakiin ay ku laabteen magaalada kooxda Alshabab, halkii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladana ay dib uga gurteen.
Xaalada magaalada ayaa qasan iyadoo saacado ka hor uu sheegay wasiirka Gaashaandhigga in ciidamada dowlada ay dib u qabsadeen magaalada Marka, dadka degaanka ayaa sheegaya inay arkayaan Alshabaab oo ku soo laabatay qeyb ka mida magaalada.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa dhinacyada magaalada ku sugan, waxaana guud ahaan xaalada lagu tilmaamay mid isku qasan oo jahawareer leh. Ciidamo gurmad ah ayaa labada dhinac u yimid waxaana laga cabsi qabaa in dagaalo culus ka qarxaan halkaasi.
Goobjooge.com