Thursday, June 26, 2025

Maxaa ka socda Villa Hargeysa: Askar Dhar-cad ah oo lagu arkay Barlamanka iyo Xildhibaanno iska horjeeda..

Xaalad kacsan ayaa ka jirta xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, kadib markii uu kulan shaki badan ka dhashay uu xildhibaannada isugu yeeray Guddoonka Baarlamaanka.

Xildhibaanno ku sugan Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegay in ciidamo dhar-cad ah oo ka tirsan Sirdoonka NISA saaka la keenay xarunta Baarlamaanka, waxayna ku eedeeyeen guddoonka Baarlamaanka inuu wado qorshe u qarsoon oo ku saabsan muddo kordhin loo sameeyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xildhibaanno badan ayaa ku kalahay xarunta Baarlamaanka, waxaana la dareemay xiisad weyn oo ka dhex jirta xildhibaannada Mucaaradka iyo kuwa taageersan Farmaajo, iyadoo weli aanu shirka furmin oo lagu ballamay 9:00 subaxnimo.

Waxaa il gaara lagu eegayaa Ajendaha shirka oo Guddoonka Baarlamaanka ku sheegay inuu yahay Covid-19, halka xildhibaanno badan ay aaminsan yihiin inuu ku hoos qarsoon yahay mooshin muddo kordhin ah.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON