Maxaa kasoo baxay kulan madaxeedkii Soomaaliya iyo Kenya..? [Akhriso Qodobadda laga hadlay]

0

Kulan magaalada Nairobi ku dhex maraya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa loo hadlay xiriirka  iyo iskaashiga labada dal.

Kulanka labada geesood ayaa ka danbeeyay shir gaara oo ay wada qaateen madaxweynayaasha labada dal Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo kadib ay ku biiraan wasiiro ka tirsan dowladda Kenya iyo wafdiga madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay inay labada dhinac ka wadahadleen iskaashiga arrimaha: Ganacsiga, Ammaanka, Duulimaadka rayidka, horumarinta xoolaha, dalxiiska, caafimaadka iyo qeybsig kheyraadka.

War ay soo saartay madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay in la isla meel dhigay dib u soo nooleynta Guddiga heer wasiir ee iskaashiga labada dal oo kulankiisii ugu dabeeyay yeeshay July 2015, kaasoo si degdeg isugu imaan doona si arrimaha laga wadahadlay dhaqangelintooda uga doodaan.

SAWIRRO