Guddiga joogtada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankii saddexaad oo uu guddoomiyey Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kaasoo looga dooday ajendayaasha muranka ka taagan yahay ee Golaha ka doodi doono iyo kooram la’aanta heysata.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, Habdhowraha Golaha iyo xoghayaha guud ee golaha shacabka, waxaana xubnaha gudiga joogtada ayaa kulanka uga doodeen dejinta Ajendayaasha Kulamada kalfadhiga 5-aad ee golaha iyo shuruucda muhiimka ah ee golaha hortabinta u leh.
Xoghayaha guud ee golaha shacabka oo kulanka kadib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in xubnaha Guddiga joogtada ay ka doodeen dejinta iyo u diyaar garowga sidii loo dejin lahaa Ajendayaasha Kulamada la filayo inay fadhigan u qabsoomaan golaha, wuxuuna intaas ku daray in xoogga la saarayo ilaalinta waqtiga kulamada Barlamaanka taasi oo si aad ah loo adkeyn doono.
Wararka ayaa sheegaya in Guddiga ay isku qabteen in ajendaha lagu daro xaaladda amniga dalka oo ay mooshin ahaan soo gudbiyeen 17 xildhibaan oo ka mida Golaha Shacabka, waxaana si weyn loogu kala qeybsamay arrintan oo markii dambe dib loogu dhigay ilaa toddobaadka danbe.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu qaadan doono hadal jeedin kulan Arbacada uu yeelan doono Baarlamaanka, iyadoo markaas kadib la dhageysan doono Guddiga Dastuurka, waxaana arrintan Amniga dib loogu dhigay Sabtida soo socota.




