Monday, June 23, 2025

Maxaa kasoo baxay Shirkii dowladda Somalia, Bankiga Adduunka, IMF & Dalalka Deeqda bixiya ee Washington..? [Sawirro]

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya  oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dowlada Soomaaliya uga qeyb galay shirka caalamiga ah ee Somalia & hay’adaha  Bankiga Aduunka iyo IMF, magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dalalka deeq bixiyeyaasha Mareykanka, Britain, Norway, Midowga Yurub, Q.M iyo hay`ada lacagta aduunka ee IMF, iyadoo looga hadlayo horumarka Soomaaliya ka garay arrimaha maaliyadda iyo sidii loo taageeri lahaa.

“Shirka aan la qaadaney Bankiga Aduunka iyo IMF waxey aad ugu qanceen qaabka Maamulka Maaliyadda. Waxey noo balan qadeen in ay naga caawin donaan arimaha Deynta..” ayuu yiri Wasiir Beyle oo farriin soo  dhigay baraha bulshada.

Ad

Waxaa dowladda Soomaaliya shirka ugu qeyb galay Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, iyo Wasiirka Kaluumeysiga Cabdiraxmaan Cabdulaahi Xaashi,

Horumarka ay Dowladda ka sameystay kordhinta dakhliga gudaha iyo nidaamka maaliyadda ayaa si weyn loo bogaadiyey, iyadoo codsiga deyn ka cafinta Soomaaliya la sheegay in la tixgelinayo.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON