Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, shirkaasi oo ahaa mid Golaha Ammaanka xog lagaga siinayey hawlgallada Qaramada Midoobay ee UNSOM iyo hawlgalka AMISOM ee Midowga Afrika.
Shirka waxaa ka hadlay labada ergay ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika James Swan iyo Francisco Madeira oo labaduba ka hadlay doorka ay kaga jiraan taageerista geeddi-socodka xasilinta iyo dawladnimada Soomaaliya.
James Swan ayaa khudbadiisa ku sheegay in Doorashada Soomaaliya ee soo socota ay tahay inay noqoto door daah-furan, cadaalad ah, la wada aqbalsan yahay, kuna dhacda nabad., wuxuuna caddeeyay in qasab tahay nay noqoto mid ka qeybgal badan, kana midnimo badan doorashadii hore.
Waxaa iyaguna ka hadlay wakiillada xubnaha Golaha Ammaanka oo ay ka mid yihiin wakiillada Maraykanka, Britain iyo Faransiiska.
Ugu dambayn waxaa shirka ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay heshiiskii ay gaareen madaxda dalwadda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku saabsan doorashada Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda.

Waxa uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble sheegay inay ka go’an tahay qabashada doorasho xor ah, isla markaana ku dhacda waqtigeedii.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in la ilaalinayo qoondada haweenka ee baarlamaanka oo ah 30%, iyo ka qaybgalka dumarka ee heerarka kala duwan ee dawladda.
Waxa uu sheegay inuu xafiiskiisu guddi u saaray soo dejiya tubta loo marayo doorasho qof iyo cod ah oo waddanka ka dhacda 2024/2025, waxaana uu sheegay inay durba soo gudbiyeen qoraal qabyo ah kaasi oo la hordhigi doono Golaha Wasiirrada.