Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Sharma’arke ayaa magaalada Kismaayo uga dhawaaqay maanta in bisha September 20-keeda magaalada Muqdisho uu ka dhici doono shirkii wada-tashiga dowladda iyo maamul goboleedyada dalka ee hiigsiga cusub ee Soomaaliya 2016.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa go’aankaasi ka sheegay magaalada Kismaayo, kadib kulamo kala gaar h oo dhex maray madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas oo Kkismaayo ku wada sugnaa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in madaxdu isku afgarteen waqtiga oo ku yar dartiis iyo howlo badan oo qabasho u baahan in la dardar geliyo qorshaha siyaasadeed ee loogu gudbayo hiigsiga cusub, lagana qeyb geliyo bulshada Soomaaliyeed laga qeybgelinayo.
Shir lagu waday inuu Kismaayo ku dhex maro maanta madaxda dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa u baaqday diidmo ka timid madaxweynaha Puntland oo qaadacay shirka isagoo ku adkeystay inuusan u tegin Kismaayo wa ka baxsan caleemo saarka Axmed Madoobe. Arrintaan ayaa waxaa ugu wacnaa isagoo diidan madaxweynaha Galmudug oo shirka qeyb ka ahaa.
Shirka jaraa’id ayaa noqday mid soo khatimay kala taggii madaxda oo helay qaab ay isku macsalaameeyaan kadib kulankii isugu keenay Kismaayo dhammaantood .
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]