Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta ku laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii 24 saacadoo ku sugnaa magaalada Dhuusmareeb.
Wasiir Sabriye ayaa isdaba joog ah la yeeshay Madaxda Galmudug ee Garabka Dhuusamareeb oo ay ka mid yihiin Axmed Ducaale Geelle iyo Sheekh Maxamed Shaakir, kadibna wuxuu kulan muddo qaatay la yeeshay Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud.
Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa intii aanu kasoo duulin magaalada Dhuusamareeb sheegay in kulamadii ilaa xalay xilli danbe uu la yeeshay horumar lagu gaaray, isla markaana uu sheegay inuu rajo weyn ka qabo in la dhammeeyo khilaafka Galmudug, isagoo aan bixin faahfaahin kale.
Wasiir Sabriye ayaa sheegay in wixii uu kala kulmay madaxda Galmudug uu kula laaban doono madaxda dowladda Soomaaliya, laakiin wararka ayaa sheegaya in qodobka ugu weyn ee la isku mari waayey uu yahay Doorashada Galmudug oo dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay dhacdo aakhirka sanadkan.
Ahlu suna ayaa si weyn u diidan arrintan, waxaana sidoo kale la qaba Madaxweyne Xaaf, waxaana socdaalka wasiirka uu ahaa tallaabadii koowaad ee loo qaaday heshiis laga gaaro khilaafka Galmudug oo ah maamul ay la degaan khilaafaad siyaasadeed.