Waxaa maanta xafiiska Ra’iisal wsaaaraha ee Madaxtooyada Soomaaliya ka dhacay fal aan hore loo arag, markii uu gacan-ka-hadal ku dhex maray sii-hayaha Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxmed (Amar dambe) iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa.
Xogta ay heshay Goobjooge.net ayaa sheegeysa in khilaafka keenay falkan uu ka dhashay Wasiir Amar-danbe oo la wareegay, iskuna koobay awoodda Wasaaradda, taasoo keentay inuu xumaado xiriirka kala dhaxeeya wasiiru dowlaha Wasaaradda, waxayna arrintii ugu danbeeyay ahayd inuu Wasiirku ka daba tegay oo joojiyey Baasaboor diblomaasi ah oo uu sarkaal sare u dalbay Wasiiru dowlaha, isagoo wasaarada arrimaha dibadda u qoray in amarkiisa oo kaliya ka shaqeynayo Wasaaradda Gaashaandhigga.
Tallaabadan uu qaaday Wasiir Amar-danbe ayaa ka careysiisay wasiiru dowlaha Maxamed Cali Xagaa, iyadoo hore uu xiriirkoodu aad u liitay, waxaana maanta markii ay ku kulmeen xafiiska Ra’iisal wasaaraha dhex maray muran ku saabsan arrinta kor ku xusan, iyadoo Wasiir Amar-danbe uu sheegay uu si cad ugu sheegay Wasiiru dowlaha inuu Wasaaradda isaga ka taliyo amarkiisana ka shaqeynayo, kadibna waxaa feer ku bilaabay Wasiiru dowlaha.

Dagaalka labada mas’uul ayaa si degdeg loo dhex galay, wuxuuna dhacay intii aanu maanta furmin shirkii Golaha Wasiirada, iyadoo dhaawac fudud wejiga kasoo gaaray Wasiirka, kaasoo keenay inuu ka baxo kulanka, waxaana shirka Golaha wasiirada ka qeyb galay wasiiru dowlaha. Wasiirka ayaa markaas kadib lagu daweeyay mid ka mida Isbitaalada Muqdisho.
Waa falkii ugu xumaa ee gacan-ka-hadal ah ee dhex mara xubno ka tirsa n Gobolka inta la ogyahay, waxayna arrintan imaaneysaa iyadoo Golaha Wsaiirada hadda jira ay yihiin xil-gaasiieyaal markii uu is-casilay Ra’iisal wasaare Kheyre kadib kalsooni kala noqoshadii Baarlamaanka.