Ra’iisal wasaaraha UK Theresa May ayaa shirka ka tagtay madasha shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya kadib markii ay khudbad kooban ka jeedisay.
Wararka laga helayo warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegaya in Theresa May uu ku furan yahay olole doorasho, isla markaana ay waqti kooban siisay shirka, taasoo keentay inaysan dhageysan khudbadaha fara badan ee madaxda shirka.
Ra’iisal wasaaraha UK ayaa ka tagtay shirka markii khudbadihii hore la jeediyay, iyadoo aan sugin madaxda Afrika ee jeedinayay khudbadahooda furitanaka shirka.
Saxaafadda UK ayaa sheegeysa in tahay arrin aan dhicin in ra’isal Wasaaraha UK ay hakad geliso ololaha doorashada oo ay diirada saarto arrimo la xiriira caalamka kale.
Goobjooge.com