Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug waxaa ka socda dadaallo is barbar socda oo ku saabsan xal u helidda xiisada siyaasadeed ee ka taagan Galmudug.
Wararka laga helayo saaka magaalada Cadaado ayaa sheegaya in odayaasha Cadaado ay dadaal weyn ugu jiraan inaan wax dagaal iyo iska hor imaad ahi ka dhicin magaaladaasi kadib isku dhiciii shalay dhex maray ciidamada NISA iyo kuwa Booliska.
Waxaa kaloo magaalada ka socda ololihii ay wadeen xildhibaanadii xilka ka qaaday madaxweyne C/kariin Guuleed oo ku howlan sidii ay u abaabuli lahaayeen doorasho lagu qabto magaalada si loo doorto madaxweyne cusub.
Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye Guureeye ayaa saxaafadda magaalada Cadaado u sheegay inay ka xun yihiin iska hor imaadkii ka dhacay magaalada shalay, isla markaana ay baaritaan ku wadaan sidii ay wax u dhaceen.
Wafdi uu hogaaminayo C/kariin Guuleed ayaa lagu wadaa inay gaaraan magaalada Cadaado iyadoo ay la socdaan siyaasiyiin iyo waxgarad maamulkaasi taageera oo doonaya in xildhibaanada Galmudug ee kacdoonka wada ay xal u helaan. Xidhibaanada ayaa ku adkeysanaya inay dooran doonaan madxaweyne cusub.
Goobjooge.com