Maxaa laga bartay Weerarkii Alshabaab ee Pizza House..? [Faallo ku socota Dowladda Farmaajo]

0

Isbedel ayaa laga dareemay Muqdisho, howlgalkii xasilinta caasimadda wuxuu keenay inay yaraadaan hubkii faraha badnaa ee lala dhex marayay magaalada iyo dhibaatadii ciidamada dowladda ku hayeen shacabka.

Tallaabooyinka ay qaaday dowladda ee ah in la xakameeyo ciidamada faraha badan ee Muqdisho dhex daadsanaa waxay ahayd tallaabo bilow ah oo si weyn loo soo dhoweeyay, waana mid mudan in lasii xoojiyo.

Waxaa muuqata in dadaalkii amni iyo howlgalladii la fuliyay aanay horjoogsan weerar la mida kii xalay lagu qaaday Baararka Pizza iyo Posh inuu dhaco, waxaana ugu wacan arrimaha soo socda:

1- Sirdoonka dowladda oo aan weli awood u yeelan inay sii ogaadaan qorshaha Alshabaab, kana hortagaan, haddii xitaa ay sii ogyihiin aanu jirin falcelin degdeg ah.

2- Alshabaab oo mar waliba beegsata goobo aan la fileyn oo ah bartimaameedyo sahlan oo shacab si qasaare badan halkaas uga dhaco.

3- Muqdisho oo ah magaalo ballaaran isla markaana aan amni ahaan gacanta ugu wadajirin ciidamada ammaanka, howgalka cusubna yahay bilow.

4- Qaabka howlgallada ciidamada oo u badan inay wadooyinka xiraan gaadiidka isha la raacaan.

5- Alshabaab oo sirdoon ahaan ka horeysa nabadsugidda Dowladda, isla markaana qorshooyinkooda waaweyn aan laga hortegi karin, ka daba tag maahee.

Arrimahan oo dhan waxay keeneen in falalkii xanuunka badnaa ee weerarrada Hoteelada iyo Baararka Muqdisho ay dib u soo laabtaan iyo dabley Alshabaab ah oo saacado ku dhex dagaalanta goobaha shacabka.

Casharka ugu muhiimsan ee laga baran karo weerarkii Hoteelada Pizza House Posh waxaa la oran karaa waa in dowladda cusub ee Farmaajo iyo Hay’ada NISA aysan waxba ka bedelin qaabkii ay u howlgeli jireen, kana fog yihiin inay ka hortagaan weerarro noocan oo kale ah oo ka dhaca caasimadda hadda iyo hadhowba.

Sidaas darteed waxaa laga maarmaan ah in la qaado tallaabooyinka soo socda:

1- In la xoojiyo awoodda Sirdoonka dalka, lana maalgeliyo si awood loogu yeesho in la sii ogaado qorshaha weerarrada Alshabab.

2- In la qoro jiil cusub oo nabadsugid ah si loo xoojiyo awoodda hay’adaha ammaanka ka ee hortagga weerarrada, dibna loo howgeliyo saraakiisha aqoon u leh howlaha Sirdoonka.

3- In howlgalllada ammaanka caasimadda la barbar wado howlgallo degdeg ah oo lagu beegsado dadka la shaqeeya iyo goobaha lagu tuhmo inay Alshabaab xiriir la leeyihiin.

4- In Weerar kasta oo dhaca raadraac lagu sameeyo oo aanay dhicin in la baabi’iyo raadadka ay reebaan dableyda qaraxyada iyo weerarrada geysata.

5- In Dowladdu la wareegto ciidamada si fiican u tababarran ee ammaanka oo hadda hoos taga dowlado shisheeye.

Haddii howlgalka NISA lagu soo koobo jidadka Muqdisho iyo la dirirka hubka wadooyinka lala dhex maro, shaqada ugu adag ee NISA-na laga dhigo la-dagaalanka hogaamiye kooxeedyo iyo mas’uuliyiin hore sida Agaasimaha NISA ku doodayo waxay xaaladu noqon doontaa: CUDUR GALAY FARAS LAGA GUBO RAADIYO DAMEER..!

Faaladda Goobjooge