Saturday, June 28, 2025

Maxaa lagu heystaa Weriyaha Aljazeera ee Xamza Mohamed..? [Alshabaab oo ku lug leh]

Ciidamada nabadsugidda Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay weriye ka tirsan Telefishanka Aljazeera qeybtiisa Ingiriiska.

Faafhaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xariga ciidamada nabadsugidda Soomaaliya u geysteen Xamse Maxamad oo ah weriye ka tirsan telefishanka saldhigiisu yahay Dooxa ee Al-Jazeera qaybtiisa ku hadasha af ingiriiska.

xamze
Xamza Mohamed

Weriyaha ayaa laga qabtay duleedka Muqdisho sida ay sheegeen ilo ku dhaw hay’adda sirdoonka qaranka. Waxaa Weriyaha lala xiray sawir qaade la socday iyo nin darawal ah.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo Hay’adda sirdoonka Qaranka ee NISA ka bixisay xariga weriyahan, laakiin xog laga helay ilo kala duwan ayaa in loo haysto inuu xiriir la sameeyay isla markaana warar ka soo duubay xubno ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

NISA ayaa war ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku gaabsatay inay u taagan tahay sugidda ammaanka iyo ilaalinta Qaranka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON