Ciidamada Booliska ayaa caawa maqribtii xabsiga u taxaabay Cabdiqaadir C/raxmaan Aadan oo ahaa agaasimaha Aamin Ambulance, iyadoo faahfaahin laga helayo xarigiisa.
Wararka ayaa sheegaya in xariga aasaasaha Amiin Ambulance uu ka dhashay dacwad ay ku soo oogeen laba nin oo la sheegay inay ku heystaan lacag uu ka qaaday qaab FOREX ah ay kula shirkoobeen, taasoo in muddo ah ay ka waayeen.
Cabdiqaadir C/raxmaan Aadan oo dhinaca kale ka mida mas’uuliyiinta Jaamacadda Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa lagu heysaa lacag ka badan 200-kun Doolar oo ay u dhiibteen rag ay faa’iido wadaagnimo ku heshiiyeen.
Qoraal kasoo baxay xeer ilaalinta Qaranka ayaa lagu soo xiray Agaasimaha Aamin Ambulance, kadib markii dacwad ka gudbiyeen laba nin oo lagu kala magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Diiriye iyo Barre Cismaan Xuseen, kuwaas oo ku dacweeyay inuu ka hab FOREX ahaan uga dhacay lacag gaareysa 214,000 oo Doollar.
Shirkadda lacagtan la geliyay ayaa ka howlgaleysay magaalada Muqdisho, waxaana lacagt mas’uul ka ahaa Cabdiqaadir C/raxmaan, isgoo ku dooday inay lacagtu taallo dalka Turkiga oo xaaladda dunida ka jirta ee Coronavirus darteed la keeni karin, laakiin waxaa arrintaasi ka biyo diiday dadkii shirkadda la ahaa oo dacweeyay.
Cabdiqaadir C/raxmaan Aadan ayaa caawa lagu xiray xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho, waxaana markii danbe lagu sii daayey damiin ay dacwad ku socoto.
