Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta mar kale yeelanaya kulan ka mida kalfadhiga Golaha Shacabka.
Kulanka maanta ayaa la sheegay in lagu bilaabayo akhrinta koowaad ee laba Hindise sharciyeed oo kala ah Hindise sharciyeedka Biyaha iyo Hindise sharciyeedka Waxbarashada.
Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan xarunta Golaha Shacabka, waqtigii lagu balamay, iyadoo ay sidoo kale golaha tegi doonaan mas’uuliyiin ka socota xukuumadda oo sharciyadaas ka hor akhrin doona Golaha.
Hindise sharciyeedyadii ugu badnaa ayay xukuumadda Soomaaliya hor geystay golaha shacabka, iyadoo 11 Hindise Sharciyeed ay gaareen sharciyada ay xukuumaddu gudbisay, taasoo keentay in guddoonka Baarlamaanka uu joojiyo qabashada sharciyo kale inta lagu jiro kalfadhigan.