Wednesday, June 25, 2025

Maxaa looga hadlayaa kulankii gaarka ahaa ee QoorQoor iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka..?

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ayaa Hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kula kula yeeshay Madaxda Xisbiyada mucaaradka ee kasoo jeeda Beesha Hawiye.

Kulanka ayaa yimid iyadoo uu Sabtida shir uga furmayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka, kaaso looga hadlayo heshiis laga gaaro Doorashada dalka 2020/2021. Waxaana kulanka ka qeyb galay Madasha xisbiyada Qaran ee ay hoggaamiyaan Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh iyo C/raxmaan C/shakuur oo hoggaamiya.

“Waxaa la isaga waraysanayaa sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu wada yahay loona siman yahay..” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo ka hadlay shirka labada dhinac. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu socdo dadaal ku saabsan sidii saamileyda siyaasadda ay uga qeyb geli lahaayeen shirka dhammeystirka Heshiiskii Doorashada Dhuusamareeb 3.

C/raxmaan C/shakuur ayaa isna qoraal uu soo saaray ku yiri: “Waxaan maanta ka qaybgalay kulan talo wadaag ah oo dhexmaray Madaxweynaha Galmudug, Xisbiga Wadajir iyo Madasha Xisbiyada Qaran. Kulanka oo saacado qaatay ayaa si saraaxad leh looga wada hadlay siyaasada dalka, doorashooyinka, miisaanka siyaasadeed iyo metelaada deegaan intaba. Waxaan u mahad celinayaa madaxweyne Axmad Qoorqoor oo gogosha ajiibay iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo kulanka marti geliyey.”

Madaxweyne Qoorqoor iayaa hore loogu tuhmay inuu heshiis hoose la galay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, isla markaana uusan kalsooni ka heysan Beeshiisa, taasoo dhalisay in xurguf soo kala dhex gasho siyaasiyiin hore u taageeray, kadib Heshiiskii Dhuusamareeb III.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON