Sunday, July 27, 2025

Maxaa madaxda sare ee dowladda ku qasbay inay Garoonka diyaaradaha ugu tagaan saraakiisha Mareykanka?

Wufuudda ka timaada dalka Mareykanka ee soo booqata dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa darajo kasta oo ay leeyihiin, saraakiil heer hoose, danjireyaal iyo saraakiil sare oo heer wasiiro ahba waxaa u caado ah inaysan soo dhaafin Garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo loogu yeero madaxda ugu sareysa dalka inay u tagaan si ay ula kulmaan wafdiyada Mareykanka.

marymax
Madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la leh Tina Kaidanow

Arrintan ayaa salka ku heysa qiimeynta xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ay ku sameeyeen Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka iyo CIA-da dalkaasi oo u diideysa mas’uul Mareykan ah inuu dhaafo garoonka Muqdisho, waxaana sidaas darteed madaxda Soomaalidu ku qasban yihiin in heer kastoo ay joogaan ay tagaan garoonka si ay ula kulmaan saraakiil aad u darajo hooseysa.

Dhacdadii ugu dambeysay waxay ahayd kulan maanta ay madaxda sare ee dowladda federaalka kula yeelatay garoonka diyaaradaha Muqdisho Danjire-guud iyo xiriiriyaha  argagixiso la-dirirka ee wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka Tina Kaidanow. Haweeneydan  waxau danjire ku xigeen dalkeeda Mareykanka uga ahayd safaaradda magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.

  • Madaxda kulankan u tagtay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa kamid ahaa;
  • Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
  • Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali
  • Wasiirka Arrimaha Dibada C/salaan Hadliye Cumar

iyo Mas’uuliyiin kale oo fara badan

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa labadaba ka hadlay arrimihii ay ka wada hadleen wafdiga Mareykanka, iyadoo sheegay inay isla soo qaadeen  xiriirka labada dal, iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sidii Mareykanka u xoojin lahaa taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON