Kulankii 7aad ee kalfadhiga koowaad ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Kulanka ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga abaaraha oo golaha u sheegay in lacag ku dhow 2.5 Milyan oo doolar ay soo gaartay guddiga, iyadoo ay ku biireen 10 ka mida wasiirada iyo Ra’iisal wasaaraha.
Waxaa kaloo kulanka Baarlamaanka ee maanta lagu soo bandhigay guddi hoosaadyada uu yeelanayo Baarlamaanka oo laga dhigay 14 Guddi, kuwaasoo la dooran doono 10-ka bishan wixii ka danbeeya.
Kulankii maanta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa laga akhriyay Mooshinka looga horjeedo saldhigga milateri ee Imaaraadka Carabta ku yeelanayo Magaalada Berbera.
Mooshinka oo ay Baarlamaanka hor keeneen 20 xildhibaan, waxaa akhriyay xildhibaanada C/llaahi Sheekh Ismaciil iyo Daahir Amiin Jeesow, iyadoo guddoonka Baarlmaanka uu dib u dhigay ka doodist Mooshinka.
Ka doodista mooshinka ayaa dib loo dhigay, waxaana lagu wadaa in kulamada dambe ay xildhibaanada Baarlamaanka ee soo socda. Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda sare ee dowladda ay doonayaan in mooshinka arrintiisa cagta loo dhigo.
Goobjooge.com