13 maxbuus oo ay cafisay dowladda Iiraan ayaa ku soo jeeda magaalada Muqdisho, iyagoo sanado ku xirnaa dalka Iiraan.
Maxaabiistan ayaa ka mida 60 maxbuus oo ku jira xabsiyada dalka Iiraan oo intooda badan ay maraakiibta dalkaasi ku qabteen Badda Soomaaliya iyagoo ku eedeysna burcad badeednimo.
Munaasabadii Mowliidka ee bishii Novembar 2018 ayey dowladda Iiraan cafis u fidisay 13 ka mida maxaabiista Soomaalida ee xabsiyadeeda ku jiray iyadoo ilaa xilligaasi aysan suuragelin in dalka lagu soo celiyo.
Maxaabiistan oo muddo saddex bilood ah diyaar u ahaa inay ku laabtaan dalkooda ayaa hadda uun ay suuragashay iyadoo Somalia iyo Iiraan aysan lahayn xiriir diblomaasi.