Thursday, June 26, 2025

Maxaabiistii Alshabaab oo lagu wareejiyay Xabsiga Garowe [DAAWO SAWIRRO]

Maxaabiistii Al-shabaab ee lagu soo qab-qabtay dagaalkii kadhacay Togga Suuj ee Deegaanka Garmaal ee Gobolka Nugaal oo la keenay xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Maxaabiistaas oo tiradoodu tahay 35 maxbuus oo 4 kamid ahi ay dhaawac ahaayeen ayaa waxay u badnayd da’doodu 13 ilaa 17sanno taas oo muujinaysa khatar ay sharwadayaasha alshabaab ku hayaan ummadda Soomaaliyeed iyo sida ay maandoorinayaan maskaxda carruurta yarar.

Maxaabiistaas oo diif iyo diihaal badani ka muuqdey ayaa durbadiiba saraakiisha iyo hawl wadeenada xabsiga weyne ee Garoowe waxay bilaabeen daaweynta dhaawacyada, daryeelka, quudinta iyo sidii loo siin lahaa xannaano wanaagsan.

Ugu dambayntii, xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada sare iyo guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa  waxay waraysiyo ku saabsan maxaabiitaasi goobihii ay kayimaadeen iyo sababaha ay Puntland u yimaadeen iyo mabaadii’da ay aammin san yihiin la yeesheen dhammaan maxaabiistii xabsiga lagu soo wareejiyey.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

IMG_2725
IMG_2730
IMG_2732IMG_2731IMG_2733IMG_2734IMG_2745IMG_2746IMG_2747IMG_2748IMG_2749IMG_2750

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON