War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in maanta la ansixiyey Miisaaniyadda Gobolka Banaadir ee sanadka 2021.
Kulan ka dhacay Hotel ku yaalla Muqdisho ayey madaxda maamulka iyo shaqaalaha Gobolka Banaadir ku ansixiyeen Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Maamulka Gobolka Banaadir oo gaari doonta $36,857,503.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) saxiixay Miisaaniyaddan, waxaana kulan ka qeyb galay Guddoomiye ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Gobolka iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir. Waxaa sidoo kale ku sugnaa Taliyaha ciidamada Boooliska Soomaaliyeed.
29-kii Disembar ee sanadkii hore ayaa shir sidan oo kale ah lagu sheegay in lagu ansixiyey Miisaaniyadda sanadka 2020 ee Dowladda Hoose taasoo ahayd $32, 977,123, laakiin ma jirin xisaab xir la sameeyay.
Maamulka Gobolka Banaadir oo aan lahayn Gole degaan oo la soo doortay, madaxdiisuna ku timaado magacaabidda Madaxweynaha Soomaaliya ayaanay jirin cid og halka ay ku baxdo lacagta soo gashee ay canshuur ahaanta uga qaadaan shcabka iyo isla xisaabtan midna, waana hay’adda kaliya ee miisaaniyadeeda ay ansxiyaan Madaxda iyo shaqaalaha.
Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa warbixintiisii snaadka 2019 ee dhowaan soo baxday wuxuu ku caddeeyay in dhaqaalaha Gobolka Banaadir kasoo gala Dekadda Muqdisho ee ku dhaca Akoonada (717 iyo 1007) ee Maamulka Gobolka Banaadir laga bixiyay lacag dhan US $1,713,213, taasoo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.
Warbixintu waxay sheegta in Gobolka Banaadir aanu diyaarin warbixin maaliyadeed oo sanadle ah, isla markaana aanu lahayn habraaca iyo siyaasadda lagu maamulo hantida taas oo adkaysay ama suuragalin wayday in la xaqiijiyo ama la qiimeeyo shuruuradaha ama waxa ay hay’addu u isticmaasho guud ahaan maamulka hantida.




