Monday, June 23, 2025

Maxaad ka taqaan ‘Boorsada Niyukliyeerka’ ee mar kasta la socota Madaxweynayaasha Mareykanka..?

Mid ka mida waxyaabaha uu gaarka la yahay Madaxweynaha Mareykanka waxaa ka mida Boorsada loo yaqaan ‘Boorsada Nuyikliyeerka’ oo xilli kasta la socota Madaxweynayaasha Mareykanka, iyadoo uu sido mid ka mida askarta caawisa madaxweynaha.

Waxaa caado ahayd in Boorsadan oo sidoo kale lagu magacaabo “nuclear football” tan iyo Madaxweynihii John F Kennedy (1961) in Madaxweyne kasta marka uu xilka banneynayo ku wareejiyo madaxweynaha ka danbeeya, laakiin waxaa isbedel ku keenay Boorsadan Madaxweyne Trump oo diiday inuu xilka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay ee Joe Biden oo maanta la caleemo saarayo, taasoo keentay inay Boorsadaasi la socoto Trump, loona baahdo mid kale oo lagu wareejiyo Joe Biden.

Boorsada oo culeyskeedu ku dhow yahay 20 Kg. waxaa laga diraa Amarka Madacweynaha Mareykanka ee in la qaado weeraro Niyukliyeer ah, waxaana Boorsada la socda Kaar madaxweynaha la siinayo, isaguna uu u sameysto erey sireed si uu loo howlgeliyo ilaa 1000 Gantaal oo niyukliyeer ah iyo liiska bartilmaameedyada la weerarayo.

Ad

Qalabka ku jira Boorasada maha mid uu la socdo meel laga ridayo Gantaallaha Niyukliyeerka ee waxaa Boorsada laga xukumaa amarka uu Madaxweynaha Mareykakanku bixinayo in weerar Niyukliyeer la qaado. Si madaxweynaha uu amarkaas u bixiyo waa inuu caddeeyaa cidda uu yahay, isagoo adeegsanaya ‘code’ ay tahay inuu mar kasta la socdo oo loo yaqaan Card, looguna yeero ‘the Biscuit’.

Boorsada uu watay madaxweyne Trump ayaa la socon doonta ilaa xilligaa ugu danbeeya ee xilkiisa oo ku beegan 12:00 Duhurnimo ee maanta xilliga Washington, xilligaas oo uu ku sugan yahay deganka uu degi doono ee Mar-a-Lago ee Gobolka Florida. Arrintan waxay keentay in Wasaaradda Difaaca Mareykana ay Madaxweynaha cusub ee Joe Biden u diyaariso Boorso kale oo shaqada bilaabi doonta 12:01 Duhurnimada, xilligaas oo Boorsada la socota Donald Trump shaqada laga joojin doono.

A military aide traveling with President Trump in December carried the so-called nuclear football as he walked toward Marine One, the president’s helicopter.
David Somers - Nuclear Briefcase
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON