Wixii ka danbeeyay markii la wareegtay dalka Afghanistan, waxaa soo baxayey faahfaahinta kooxdan oo markii ugu horeysay la arkay ciidamadeeda Kumaandooska gaarka ah ee Daalibaan, kuwaasoo sugaya amniga qeybo ka mida magaalada Kaabul.
Ciidamadan si gaarka u tababarran ee Daalibaan waxaa lagu magacaabaaa ‘BAEDRI 313’ oo ah magac laga soo qaaday dagaalkii ugu horeeyay ee uu galay Nebiga Muxamad NNKH iyo tirada asxaabtii ka qeyb gashay, iyadoo muuqaalkooda ay si weyn ula yaabeen dallaka reer Galbeedka iyo Mareykanka.
Dagaalyahannada Daalibaan waxaa lagu yiqiin Khamiisyo gaagaaban, Duub weyn iyo qoryaha AK-47, iyagoo muuqaalkoodu ahaayeen dad shacab ah oo hub qaatay, laakiin ciidamada guutada ‘Badri 313’ waa kuwo gebi ahaanba ka duwan oo u eg ciidamada kumaandooska ee dunida inteeda kale, weliba ka qalab fiican.
Ciidamadan ayaa hore muuqaal ahaan Daalibaan ugu soo bandhigtay xayeysiin ahaan. laakiin waxaa si toos ah loogu arkay magaalada Kaabul, waxayna ahaayeen ciidamo si aad ah u tababaran, isla markaana ku qalabaysan qalab milateri oo casri ah.
Lama oga halka ay ciidamadan ka heleen Qalabka iyo hubka Carsiga ah ee ay heystaan, waxaana muuqataa inuu yahay isku -darka qalabka milatariga Mareykanka iyo hubkii ciidamada Afgaanistaan, oo laga yaabo inay ka qabsadeen markii ciidammada reer Galbeedka iyo kuw Afghanistan.
Muuqaalka ciidamada kumaandooska Daalibaan ee ‘Badri 33’ ah ayaa muuujiyey inay xiran yihiin koofiyado milateri iyo muraayadaha qorraxda iyo kuwa habeenkii wax lagu arko, jaakadaha aanay xabbadu karin iyo Qoryaha Mareyanka lagu farsameeyo..
Ciidamadan waxay kaloo xiran yihiin kabaha dagaalka ee casriga ah, oo xitaa leh muraayadaha aragga habeenkii – taasoo ka dhigaysa inay la mid yihiin oo aan laga sooci karin ciidamada kumaandooska dalalka waaweyn ee dunida.
Khubarada Milateriga ayaa faallo ka bixiyey muuqaalka ciidamada kumaandooska Daalibaan, waxayna sheegeen inay Daalibaan aysan hadda ahayn koox beeraley ah, laakiin isu bedeshay ciidan milateri oo xirfad leh.
Waxaa hubaal ah in su’aalo la iska weydiin doono sida Taalibaanku u hantiyeen qalab milateri oo tiknoolajiyad sare leh, iyadoo laga cabsi qabo inay u gacan galeen diyaaradihii dagaalka ee ciidamada Pakistan.







