Thursday, June 26, 2025

Maxaad ka taqaan Cunsurigii Caddaanka ahaa ee Dadka Muslimiinta ku laayey Masjidkii New Zealand? [Sawirro]

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay ninkii cunsuriga Caddaanka ahaa ee ka danbeeyay weerarkii lagu laayey dadka muslimiinta ah ku tukanayey laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand.

Ninkan ugu weyn ee falkan naxdinta leh geystay ayaa lagu magacaabaa Brenton Tarrant, waana 28 sano jir oo ku dhashay dalka Australia, wuxuuna qoray qoraal dheer oo uu baraha bulshada soo dhigay sababta uu weerarka u qaaday, isagoo sheegay inuu ku dayday weerarkii uu qaaday ninkii la oran jiray Anders Breivik ee ka dhacay dalka Norway dalka Norway 22 July 2011.

Waxaa la yaab lahayd in ninkan Brenton uu si toos ah Facebook u soo dhigay xilligii uu weerarku ka waday masjidka Alnoor, dadkana lagu leynayay halkaasi, inkastoo markii danbe ay Facebook ka saartay video-ga, boggiisana hawada laga saaray.

Waxaa kaloo la yaab leh intii weerarku socday ee uu sida tooska ah Facebook u tebinayey falkiisa inay rasaastii ka dhammaatay oo uu gaarigiisa u soo laabtay, kadibna rasaas kale ka qaatay gaarigiisa oo uu dib u bilaabay inuu laayo dadkii masjidka ku jiray oo qaar badan oo ka mida ay dhulka yaalleen oo dhimasho iyo dhaawac ahaayeen.

Ninka weerarka geystay Brenton Tarrant ayaa qoraalkiisa dheer ee ka kooban 73 bog ku sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda xag-jirka midigta fog ee cadddaanka, isagoo taageray madaxweynaha Mareykanka Donalnd Trump.

Ninkan ayaa dilay 49 qof oo salaadii jimcaha ku jiray, waxaana dhaawac ah ilaa 40 kale oo qaar kamida ay xaaladoodu ay liidato, waxaana weerarkan uu noqday kii ugu weynaa ee ka dhaca dalka New Zealand, waxaana loo qabtay saddex qof oo ninka dadka laayey ku jiro, waxaana la sii daayey qof, iyadoo laba qof oo hayo kiiskan.

Ninkii Caddaanka Cunsurigii Caddaanka ahaa ee Dadka Muslimniinta ku laayey Masjidka New Zealand
A man wearing military fatigues (pictured) was arrested outside Papanui High School
A man who identified himself as Brenton Tarrant (pictured) live-streamed the massacre of dozens of people in Christchurch, New Zealand
Witnesses reported hearing 50 shots and police are responding to the incident at Al Noor Mosque in Christchurch on the country's South Island. Pictured is a still from a live-stream of the shooting
Tarrant published an online manifesto detailing his plans to carry out a massacre hours before the attack. He called the 73-page document: 'The Great Replacement'
The rambling manifesto was posted before Tarrant opened fire inside the Al Noor Mosque and another gunman went on a shooting rampage at the Linwood Masjid Mosque
Qoraalkii uu dilaaga faafiyey…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON