Faaduma oo noqoneysa haweeneydii ugu horeysay ee qabata xilka xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa wax ku baratay dalka Talyaaniga, iyadoo in muddo ah ka shaqeyneysay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Faaduma Cismaan Faarax, waxay sanadkii 1981 ka baxday Machadkii Technico de Bancairo oo xisaabaadka iyo arrimaha Bankiyada ay ka baratay, ka dibna sanadihii 1982-1986 waxay ka qalin jebisay maamulka iyo Maareynta ee SIDAM, sidoo kale waxay sanadihii 1987-1989 ka qalin jebisay jaamacadda Univesita de Sapienza ee dalka Talyaaniga oo shahaadda labaad ee xisbaadka ay ka qaadatay. Tabaarro dhinaca xisaabaadka iyo dhaqaalaha ah ayay ku qaadatay dalka Canada intii ka danbeysay sanadkii 2000.
Sanadihii 2010-2012 saxay madaxda maalgelinta ka noqotay Bankiga ganacsiga Talyaaniga, faraciisa Woodbridge, Ontario, Canada, kadibna waxay ku soo laabtay dalka iyadoo isla sanadkii 2012 ka shaqo bilowday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ay ilaa iminka ka ahayd agaasimaha Xisaabaadka iyo maalgelinta.
Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa si weyn u soo dhoweeyay in xilkan loo magacaabo Faaduma Cismaan Faarax oo intii ay ka howlgaleysay Bankiga Dhexe lagu tilmaamay qof muujisay karti shaqo iyo daacadnimo.