Waxaa soo baxaya faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan is-miidaamiyaha qarxiyay xafladii magaalada Manchester.
Ninkan oo 22 sano jir ahaa, laguna magacaabo Salman Cabaadi, wuxuu ku dhashay UK, waxaana dalkaasi qaxooti ahaan ku galay waalidkiisa oo ka soo jeeda Liibiya, kana qaxay hoggaamiyihii hore ee Liibiya Col. Qadaafi.
Wuxuu magaalada Manchester ku dhashay sanadkii 1994, waana kan ugu yar caruur afar ah oo isla dhashay, wuxuuna ku barbaaray degaanka Whalley Range.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Salmaan uu dhowaan si qarsoodi ah ugu duulay dalka Liibiya, lagana yaabo inuu markaas kadib aaday dalka Suuriya, halkaasoo lagu soo diyaariyay si uu qaraxan u fuliyo, isagoo maalmo ka hor ku laabtay Manchester oo dadka ay ka dareemeen inuu si weyn isu bedelay.
Sirdoonka UK iyo France ayaa hadda baaraya inuu tegay dalka Suuriya una gacan galay kooxda Daacish, waxaana socda baaritaan ku saabsan arrintan.
SAWIRRO