Sunday, July 6, 2025

Maxaad ka taqaan Milkiilihii geeriyooday ee kooxda Leicester City – Vichai Srivaddhanaprabha..? [Akhriso]

Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyey inuu geeriyooday Mulkiilihii kooxda Leicester City,  kadib markii diyaarad gaara oo helikobtar ah oo siday ay ku burburtay garoonka kubadda kacagta kooxdaasi ee Kin Power bannaankiisa.

Ninkan oo kasoo jeeda dalka Thailand laguna magacaabi jiray Vichai Srivaddhanaprabha, ayaa waxaa la socday labo ka mida shaqaalihiisa, Duuliyihii iyo qof wehelinaya, waxayna dhammaantood ku geeriyoodeen diyaaradda burburtay isla markii ay ka kacday Garoonka Sabtidii.

Dada badan ayaa tacsi u tegay Garoonka King Power oo halkaasi dhigay kumanaan oo ubaxyo baroordiiq ah, waxaana dadka shilka ku dhintay lagu sheegay inay kala yihiin: Mulkiilihii kooxda Leicester Vichai Srivaddhanaprabha, Labo ka mid ah shaqaalihiisa oo kala ah Nursara Suknamai iyo Kaveporn Punpare, Duuliye Eric Swaffer, iyo Izabela Roza Lechowicz oo ahaa duuliye kale.

Milkiilihii kooxda Leicester City Vichai Srivaddhanaprabha wuxuu ahaa ganacsade iskiis u sameeyay hantida uu leeyahay, isagoo meel hoose kasoo bilaabay ganacsiga, waana abbe dhalay afar carruur, wuxuuna asaasay King Power International.

Waxaa la sheegay inuu kaalinta shanaad uga jiray  liiska maalqabeennada dalka Thailand oo uu kasoo jeedo. Wuxuu Kooxda Leicester City iibsaday sanadkii 2010-kii, isgoo ku iibsaday 39 milyan oo Geni, waxayna markii ugu horeysay sanadkii 2016 si la yaab leh ku qaaday koobka Horyaalka Ingiriiska ee  Premier League.

Eyewitnesses reported seeing the stricken aircraft losing control and spinning rapidly seconds after lifting off from the turf at the King Power stadium. It crashed into the stadium car park about 200 yards away at around 8.30pm

Supporters are pictured paying tribute at Leicester City's King Power stadium today as they wait desperately for news following owner Vichai Srivaddhanaprabha's helicopter crashing outside the ground in the club car park last night  The scene of the crash has been sealed off by police officers with a sheet covering one end of the helicopter in the stadium's car park Vichai Srivaddhanaprabha waves to fans after a Premier League clash between Leicester City and Southampton in April 2016Tributes to the beloved club owner were laid outside the King Power Stadium Sunday morning as anxious Leicester fans arrived at the ground

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON