Thursday, June 26, 2025

Maxaad ka taqaan shaqsiyadda La-taliyaha Ammaanka ee madaxweyne Farmaajo..? (Akhriso taariikhdiisa)

Xuseen Macalin Maxamuud Sheekh Cali waxaa 16kii Feberaayo 2017 loo magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Saddexdii sano ee ugu danbeysey Xuseen waxaa uu ahaa La-Taliyaha Sare ee Amniga oo uu weliba si gaar ah ugu qaabilsanaa dhanka Ka-hortaga Argagaxisada ee Dowladdii hore. Waxuuna xubin ka ahaa Golaha Amniga Qaranka oo ah hay’adda ugu sareeysa dalka ee go’aan gaariska arrimaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu weliba la bilaabay markii la hirgeliyey Golaha Amniga Qaranka.

Xuseen waa shaqsi si istraatejiyad leh u fikira, waxuuna qoray Istraatejiyada La dagaallanka Argagaxisada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu qoray Istraatejiyadda iyo siyaasada dalka ee dib-u-heshiisiinta iyo cafiska loo fidiyo Al-Shabaab. Xuseen wuxuu hormuud ka ahaa abuurista Xarunta Warbixinta Maaliyadda (Financial Reporting Center (FRC).

Xuseen Macalin Maxamuud Sheekh Cali (La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee Amniga Qaranka)

Xafiiska Madaxtooyada ka hor Xuseen Sheekh-Cali waxuu muddo 4 sano ka badan ahaa Agaasimaha Waaxda Amniga Dibadda ee Hay’ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka (NISA).

Howlaha uu qaabilsanaa waxaa ka mid ahaa La-dagaallanka Argagaxisada, La dagaallanka Burcad-badeeda, Lid-xuuraanka iyo xiriirka hay’adaha caalamiga ee ka howlgala Soomaaliya. Waxuuna mar noqday Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Xuseen waxuu heystaa shahaadada Bachelor ee Taariikhda iyo shahaadada Master-ka ee Arrimaha Amniga iyo Sirdoonka.

Wuxuu la-taliye u ahaa Guddiga Amniga Qaranka ee dowladii Xasan Sheekh oo isla xilka hadda loo magacaabay uu hayay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 16-kii Bishan saacado kadib markii uu xilka la wareegay u magacaabay la-taliyihiisa ammaanka Qaranka.

DHAMAAD

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON