Monday, June 23, 2025

Maxaad ka taqaan wakiilka cusub ee Q/Midoobay u soo magacawday Somalia..? [Afrikaan Caddaan ah]

Xoghayaha gud ee Q/Midoobay ayaa si rasmi ah u magacaabay wakiil cusub oo yu qaabilsan Somalia, kadib  uu dhammaaday xilligii wakiilkii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.

Wakiilka cusub ee xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, isagoo ah nin caddaan ah, waana diblomaasi 66 sano jir ah oo soo noqday ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan iyo  Ergeyga Qaramada Midoobey ee Afghanistan.

Wakiilka cusub Nicholas Haysom ayaa ah Qareen ku takhasusay arrimaha dimoqraadiyada, dowlad wanaagga iyo dib u heshiisiinta, wuxuuna kasoo qeyb qaatay wadahadalladii nabadeed ee dalka Burundi intii aanu ku biirin Q/Midoobay sanadkii 2005.

Wuxuu ka baxay dugsiga Michaelhouse ee Natal, South Africa iyo Jaamacadda Natal, wuxuu kaloo sharciga kaga qalin jebiyey Jaamacadda Cape Town.

Labadii wakiil ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Soomaaliya ee Micheal Keating iyo Nicholas Kay oo u dhashay dalka UK.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON