Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da oo dhowaan shaqadeeda inta ugu badan loo soo wareejiyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa qaadatay weriyayaashii ugu badnaa ee mar qura la shaqaaleysiiyo.
Shaqaalahan ayay sheegtay BBC-da qeybta Soomaaliga in laga kala keenay degaanada Soomaaliya, inkastoo hore loogu eedeyn jiray inay shaqaaleysiiso Soomaalida Kenya oo muddooyinkii danbe noqday kuwa ugu badan.

Weriyeyaasha dhowaan ku biiray BBC-da waxaa ka mida:

Fartuun Ismaaciil Axmad, waxay ku dhalatay kuna soo barbaartay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Waxbarashada hoose, dhexe iyo sare intuba waxay ku soo qaadatay isla magaalada Muqdisho, waxayna markii danbe u wareegtay magaalada Nairobi, iyadoo loo qaatay barnaamij soo saare iyo war akhriye. Waxay BBC-da laanta Afsoomaaliya ku biirtay Jannaayo 2019.

Weriye Xasan Sheekh Cumar ayay BBC sheegtay inuu kasoo jeedo gobalka Hiiraan, isagoo Warbaahinta wuxuu ku jiray in ka badan 10-sanadood, wuxuuna ka soo shaqeeyay Idaacado iyo TV, isagoo magaalada Nairobi fadhigiisu ahaa.

Faadumo Yusuf Siciid ( Taxadar) oo kasoo Xingalool ee Gobolka Sanaag, waxay ka mid tahay shaqaalaha cusub e BBC-da waxayna saxaafadda ku jirtaa muddo 1- sano ah, iyadoo kasoo shaqeysay idaacado gudaha dalka ku yaalla, iyadoo agaasime ka noqotay idaacad ku taalla Puntland.

Kowsar Maxamed oo kasoo jeeda magaalada Wajeer ee waqooyi beri Kenya oo saxaafadda ku jirta 4 san ayaa ka mida shaqaalaha cusub ee BBC-da. iyadoo hore uga soo shaqeysay idaacadaha gudaha dalka Kenya .

Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil ayaa isna biiray sanadkan shaqaalaha Laanta Afsoomaaliga BBC-da, wuxuuna kasoo jeedaa magaalada Burco ee Gobolka Togdheer. isagoo saxaafadda kasoo galay Warbaahint qoraalka. Wuxuu sanadkan ku biiray BBC.